Dhuusamareeb (Raxanreeb )-Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa la kulmay odayaasha iyo waxgaradka labada beel ee kasoo kala jeeda Xeraale iyo Cabudwaaq
Madaxwayne Qoorqoor ayaa bogaadiyay hesiishka horudhaca ah ee shalay ay gaareen, isla markaana kula dardaarmay in si buuxda loo dhammeystiro qaybaha haray hishiiska.
Kulankan ayaa waxaa goobjoog ahaa xubno ka tirsan Baarlamaanka Dowladda Federaalka, mudanayaal ka tirsan goloyaasha Dowladda Galmudug iyo odayaashada labada beel iyo culimaddii garwadeenka ka aheyd hishiiska.
Deegaano dhawr ah oo ka tirsan Galmudug waxaa ka jira dagaal beeleedyo gaystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Waxaa soconaya dadaalo xooggan oo loogu jiro sidii nabad loo dhaxgali lahaa beelaha dagaalamaya.
Leave a Reply