Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo xaalad caafimaad loo dhigay isbitaal.

Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo xaalad caafimaad loo dhigay isbitaal.

France (Raxanreeb online) – Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa xaalad caafimaad loo dhigey Isbitaal ku yaalla dalka Faransiiska.

madaxweyne Geelle oo isku diyaarinayay inuu magaalada New-York ee dalka Maraykanka kaga qayb-galo shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa xanuunsaday, iyadoo la dhigey Isbitaal ku yaalla Faransiiska.

Sidoo kale, ilo-Wareedyo kala duwan oo ku sugan gudaha dalka Jabuuti ayaa xaqiijiyay Xanuunka Madaxweyne Geelle, iyadoo shacabka dalkaasi uu warkani si weyn ugu dhex faafay.

Dhanka kale, majiro war rasmi ah oo kasoo baxay dawladda Jabuuti kaasoo ku saabsan xaaladda madaxweynaha balse wararka qaar ayaa sheegaya in xaalkiisu culus yahay.

Ilo wareeedyo aya sheegaya in madaxweynaha uu la ildaran yahay faalig ama dhiig ku furan, balse soo noqnoqday iyo dhiigkar aan degaynin.

Ismaaciil Cumar Geele waa 77 jir dhashay sanadkii 1947kii, kuna dhashay magaalada Diridhaba ee dalka Itoobiya. Waxa uu qabsaday xilka madaxweyne ee dalka Djibouti sanadkii 1999kii, 25 sano ka hor, markii uu xilka ka degay adeerkii Xasan Guuleed Abtidoon oo isna ku dhashay degaanka Qulujeed ee degmada Saylac, ee Somaliland isna oo ahaa madaxweynihii ugu horeyey ee sanadkii 1977kii ilaa iyo 1999kii.

Djibouti waa dalka kali ah ee ilaa iyo madaxbanaanidiisii ay soo mareen laba madaxweyne, isla markaana dadkiisu haysan madaxbanaani xaga xoriyada hadalka, goleyaashiisa deegaanka iyo Wakiilada waa kuwo aan awood lahayn oo toos looga maamulo madaxtooyada.

Sikastaba, Djibouti waxa lagu tilmaamaa dalka Afrika ee hal qoys ka taliyaan, Ismaaciil Cumar Geelle haddii uu meesha ka baxo wax talada sii haysan doona isla qoyskiisa oo awoodaha dalka gacanta ku haya heer kasta.

Leave a Reply

Your email address will not be published.