Madaxweynaha Soomaaliya oo Muqdisho ka furay shirka maal galinta beeraha.

Muqdisho (Raxanreeb online) – Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si rasmi ah magaalada Muqdisho uga furay shirweynaha qaran ee maalgashiga beeraha, kaas oo looga gol leeyahay in sare loogu qaado dakhliga gudaha iyo abuurista fursado shaqo oo cusub oo ku aaddan maalgashiga beeraha.

Madaxweyne Maxamuud oo khudbad ka jeediyay shirka ayaa sheegay in Soomaaliya ay leedahay faa’iidooyin beereed, isagoo xusay in dalka uu ku maneystay dhul barwaaqo ah oo qani ku ah kheyraadka dabiiciga ah. Wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay abuurista fursado maalgashi si si buuxda looga faa’iidaysto awooddan.

“Dhulkan waxa uu leeyahay hanti beereed aad u badan, waxaana loo baahan yahay in aan abuurno fursado maalgashi oo sax ah si aan si buuxda uga faa’ideysano,” ayuu yiri Madaxweyne Maxamuud oo khudbad ka jeediyay furitaanka.

Shirkan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka soo qeyb galay qeybaha kala duwan ee bulshada. Waxaa ka mid ah wasiirada beeraha ee dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka Soomaaliya, maalgashadayaasha beeraha, khubaro caalami ah, iyo safiiro matalaya dalal dhowr ah oo safaarado ku leh Muqdisho.

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in Wasaaradiisa ay higsaneyso in Soomaaliya ay gaarto isku filnaasho dhanka Cunada ah,islamarkaana ugu danbeyn dalka laga dhigo mid dhoofiya wax soo saarka Beeraha.
Ujeedada shirkani waa in ay nagu hagto gaadhitaanka isku filnaansho cunto iyo xitaa u dhoofinta adduunka. Soomaaliya ayaa mar ku dhawaatay in hadafkaas la gaaro” ayuu yiri Wasiir Maareeye.

Safiiro dhowr ah iyo xubno muhiim ah ayaa khudbado ka jeediyay intii ay socotay munaasabadda, iyagoo bogaadiyay horumarka ay Soomaaliya ka sameysay horumarinta wax soo saarka beeraha. Waxa ay shirka ku tilmaameen fursad muhiim ah oo looga gudbi karo caqabadaha jira, isla markaana daah-fur loogu noqon karo tacabka beeraha ee dalka.

Munaasabadan ayaa astaan ​​u ah dadaallada Soomaaliya ay ugu jirto dib u soo nooleynta waaxdeeda beeraha, abuurista shaqooyin, iyo yareynta ku tiirsanaanta cunnada la soo dhoofiyo iyadoo kor u qaadeysa maalgashiga dhulka barwaaqada ah ee dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.