Madaxweyne Deni “Puntland & Galmudug wax muran ah kama dhexeeyo ee DF ayaa wada khilaafkaas”

Garoowe (Raxanreeb online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo saakay hadal ka jeediyay furitaanka kalfadhigga 55-aad ee Baarlamaanka Puntland, ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay in ay gobolka Mudug ka hurinayso colaad salka ku haysa muran dhuleed.

Sidoo kale, madaxweyne Deni ayaa si adag uga falceliyay khariirad la sheegay in ay soo saartay sidoo kale adeegsatay dowladda Federaalka Soomaaliya, taasi oo waqooyiga gobolka Mudug ee maamusho Puntland ku calaamadisay degaanno lagu muransan yahay.

Dhanka kale, Madaxweyne Siciid Deni ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay colaad ku dhisan muran dhuleed oo dhexmarta maamulada Puntland iyo Galmudug ay ka hurinayso gobolka Mudug, waxa uuna xusay in dowladda ujeedkeedu yahay in halkaasi ka huriso colaad.

“Gobolka Mudug laguma muransana uma dulqaadan karno waxa ay waddo Dowladda Federaalku, maamulada Galmudug iyo Puntland dagaal kama dhexeeyo, qaybtada Mudugna laguma muransana” ayuu yiri Madaxweyne Siciid Deni.

Sikastaba, hadalka kasoo yeeray Madaxweynaha maamulka Puntland , ayaa imaanaya xilli khariidad ay sameesay dowladda Federaalka gaar ahaan Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta saakay lagu faafiyay baraha buldshada, taa oo si weyn dadka qaar uga falvceliyeen.

Leave a Reply

Your email address will not be published.