XOG: Dhulkii xerada Villa Beydhabo oo lagatay & Saraakishii deganeyd oo lagu dul gatay

Muqdisho (Raxanreeb online) – Wasiiru dowlaha wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Cumar Cabdi Cali oo ah nin mardhow loo magacaabay Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa bilaabay in uu guryaha ku garaaco saraakiil ciidan oo degan Xerada Villa Beydhabo kuwaas oo lagu dul gatay guryaha kuyaala xerada Villa Beydhabo.

Saraakiisha lagu dul gatay xerada Villa Beydhabo waxaa kamid ah taliye xigeenkii hore ee ciidanka xogga Gen. Cabdullaahi Cali Caanood, madaxii hore ee hoggaanka ciidanka Gen. Maxamed Xaanshi iyo taliyihii hore ee taakuleynta ciidanka Gen. Bille.

Sidoo kale, Waxaa qeyb ka ah saraakiisha lagu dulgatay Villa Beydhabo taliyeyaal qeyb iyo taliyeyaal guutooyin.

Ninkan wasiiru dowlaha ah ayaa lagu soo waramaay in uu qeyb ka yahay xaraashka dhulalka danta guud, ee shacabka laga barakicinaayo iyadoon wax danguud ah oo lagu qabanaayo aysan jirin xiligan, balse ay ka tahay xaraash iyo boobka lagu haayo hantidii shacabka mas’uulka looga ahaa.

Leave a Reply

Your email address will not be published.