NISA oo sheegtay in duqeyn lagu dilay 41 Al-Shabaab ah

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Bayaan kasoo baxay Hay’adda Nabad-sugidda Soomaaliya (NISA) ayaa lagu sheegay in duqeymo cirka ah sacaadihii lasooo dhaafay lagu dilay ilaa 41 ka tirsan dagaalmayaasha Al-Shabaab.

NISA waxay sheegtay in duqeymaha dhanka cirka ah ay ka dhaceen deegaannada Boos-Hareeri iyo Jambaluul, oo ka kala tirsan gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose.

Geestka kale, Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa todobaadkii hore in duqeymo dhacay maalmihii lasoo dhaafay lagu dilay in ka badan 150 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab.

Duqeymahan ayaa qeyb ka ah dadaallada dowladda Soomaaliya ee ay kula dagaallamayso kooxda Al-Shabaab, xilli uu guluf militari oo xooggan ka socdo gobolka Shabeellaha Dhexe.

Leave a Reply

Your email address will not be published.