Muqdisho ( Raxanreeb Online) Ra’iisul wasaaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa la filayaa inay goor dhow ka degaan magaalada Laascaanood.
Diyaar-garow ayaa ka socda magaalada oo lagu soo dhoweynayo Ra”iisul wasaaraha oo safarkiisa la sii shaaciyay maalmo kahor.
Sida uu sheegay afhayeenka xukuumadda Soomaaliya, Farxaan Maxamed Jimcaale, booqashada raysalwsaaraha ayaa ku salaysnaan doonta arrimaha amniga, dhaqaalaha, adeegyada bulshada iyo u-kuur-gelidda xaaladda dhabta ah ee ay ku nool yihiin dadka ku dhaqan SSC-Khaatumo.
Ra’iisul wasaaraha ayaa lagu wadaa in uu la kulmo masuuliyiinta SSC-Khaatumo iyo qaybaha kala duwan ee bulshada oo uu kala hadli doono iskaashiga iyo bulshada iyo arrimaha nabadda, sida uu baahiyay xafiiskiisu.
Leave a Reply