DEGDEG: Qarax goordhow ka dhacay degmada Moqokori

Moqokori ( Raxanreeb Online) Wararka inaga soo gaaraya degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, ayaa waxa ay sheegayaan in goordhaweyd qarax khasaaro geystay uu ka dhacay gudaha degmadaasi.

Goob jogayaal ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa oo lala beegsaday goob ay ku sugnayeen dad shacab ah iyo ciidamo katirsan macawiisleey.

Weli si dhab ah loma oga khasaaraha ka dhashay qaraxa inta uu gaarsiisan yahay, maadama ay weli ay socoto gurmadka loo fidinayo dadka uu sameeyay qaraxa.

Geesta kale degmada Moqokori, ayaa maalmihii u dambeeyay waxaa ka socday abaabul dagaal oo ka dhan ah kooxda Al-shabaab, iyada oo degmada ay ku sugan yihiin saraakiil sare oo katirsan ciidanka xoogga dalka.

Wixii ku soo kordho warkan halkan kala soco

Leave a Reply

Your email address will not be published.