Wasiirka amniga oo socdaal maanta ku tagay magaalada Baydhabo

Baydhabo ( Raxanreeb Online) Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta gaaray magaalada Baydhaba, xarunta gobolka Baay. iyagoo halkaas u tagay howlo shaqo iyo kormeer amni.

Wafdiga Wasiirka waxaa si rasmi ah u soo dhaweeyay Wasiirka Amniga Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Xasan Cabduqaadir Maxamed, oo ay weheliyaan saraakiil sare oo ka tirsan hay’adaha amniga, iyo sidoo kale Guddoomiyaha Degmada Baydhaba.

Wafdiga Wasiirka Amniga Gudaha ayaa waxaa sidoo kale ka mid ah: Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Isaaq Maxamuud Mursal iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta Soomaaliya Maxamed Aadan Maxamed.

Ujeedka wasiirka amniga gudaha u tagay magaalada Baydhabo, ayaa waxa ay tahay qorsho ku aadan amniga isaga oo inta uu ku sugan yahay komeeri doono saldhigyada iyo xarumaha lagu tababaro ciidanka maamulka Koonfur Galbeed.

Leave a Reply

Your email address will not be published.