Faah faahin kasoo baxeysa labo oo dhallinyaro ah oo lagu dilay Hargeysa

Hargeysa ( Raxanreeb Online) Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya labo ruux oo xalay lagu dilay suuqa mgaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland.

Goob joogayaal ayaa sheegay in nin ku hubeysnaa bastoolado uu toogtashada geystay, isla markaana uu ku baxsaday Basaska yaryar ee magaalada ka dhex-shaqeeya.

Dilka kaddib ayaa waxaa goobta gaaray ciidamada ammaanka kuwaasi oo dhallinyada dilka loo geystay goobta ka qaaday.

Sidoo kale laamaha amniga magaalada Hargeysa, ayaa shaaciyay in ay wadaan baaritaano ku aadan dilka iyo shaqsiga ka dambeeyay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.