Wasiir Fartaag oo kulan xasaasi ah la yeeshay saraakiisha ciidanka Booliska Koonfur Galbeed

Baydhabo ( Raxanreeb Online) Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa kulan la yeeshay saraakiisha kala duwan ee ciidanka booliska dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya kana dhageystay warbixinno la xiriirta xaaladda amni ee gobolka.

Saraakiisha ayaa wasiirka ugu warbixiyay, Xaaladda guud ee amniga ee gobollada Koonfur Galbeed.Howlgallada socda ee lagula dagaallamayo kooxda Al-shabaab. Sugidda amniga waddooyinka muhiimka ah iyo xarumaha dowladda iyo Wacyigelinta bulshada iyo ka hortagga dambiyada.

Wasiir Fartaag ayaa ku bogaadiyay Saraakiisha dadaalka ay ku bixiyeen sugidda amniga iyo ilaalinta shacabka, wuxuuna carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay wadashaqeynta ka dhaxeysa dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, si loo xaqiijiyo nabad waarta.

Ugu dambeyntii, Wasiirka ayaa ballan qaaday in Wasaaradda Amniga Gudaha ay sii xoojin doonto taageerada ay siiso ciidamada ammaanka, gaar ahaan dhanka qalabka, tababarrada, iyo dhiirrigelinta.

Leave a Reply

Your email address will not be published.