Faah faahin: Dhulgariir xooggan oo ku dhuftay Ruushka

Ruushka ( Raxanreeb Online) Dhulgariir weyn oo cabirkiisu yahay 8.8 ayaa ku dhuftay jasiirada Kamchatka ee dalka Ruushka.

Waxaa soo sidoo kala lasoo saaray digniino la xiriira duufaano laga cabsi qabo in ay qeybo badan oo ka mid ah badweynta Baasifiga ay ku dhuftaan.

Awaamiirta daadgureynta ayaa laga soo saaray inta badan xeebaha bari ee Japan, halkaas oo laga filayo mowjado gaaraya ilaa afar mitir.

Waaxda Juquraafiga ee Ruushka ayaa sheegtay in uu yahay dhulgariirkii ugu xoogganaa ee ka dhaca gobolka tan iyo 1952-kii. Dhulgariirro xiriir ah ayaa isla goobtaas ka dhacay todobaadkii hore.

Leave a Reply

Your email address will not be published.