Mucaaradka oo cadeeyey sababta aysan wax heshiis ah ula gaarin MW Xasan Sheekh

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Madaxda mucaaradka ee ku mideysan Madasha Samata-bixinta Qaranka ayaa shaaciyay in kulamadii dhowrka ahaa ee ay la yeesheen Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud aysan ka soo bixin wax heshiis ah. Waxay sheegeen in qodobada la isku mari waayay ay kamid yihiin isbeddel lagu sameeyo cutubka afraad ee dastuurka iyo qaabka heshiis looga gaari karo arrimaha doorashada.

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda, Amb. Axmed Ciise Cawad, oo ka mid ah madaxda madasha, ayaa sheegay in madaxweynuhu soo jeediyay in cutubka afraad loo qaybiyo mucaaradka iyo isaga, isaga oo qaadanaya qeyb uu isagu doorbidayo halka mucaaradkuna ay qaataan qeybta kale.

Mucaaradka ayaa si gaar ah uga soo horjeestay qaab doorasho cusub oo loogu magac daray “qaabka doorasho ee 2024”, kaas oo lagu daray cutubka afraad.

Waxay sheegeen in qaabkan uu siinayo madaxweynaha awood uu kaligiis “ku soo xulan karo guddiga doorashada, ku xaddidayo xisbiyada siyaasadda, isla markaana u oggolaanaya in isaga iyo xisbiga uu hoggaamiyo si fudud ugu guuleystaan doorashooyinka”.

Sikastaba, madaxda mucaaradka ayaa sheegay in aysan suura gal aheyn in dalka lagu qabto doorasho Qof iyo Cod ah sababtana waxa ay ku shegeen in dalka uu ku jiro xaalada dagaal meelaha qaarna aysan suuragal aheyn in doorashada aysan dhici karin, falal lidi ku ah amniga dartiis.

Leave a Reply

Your email address will not be published.