Dr Aadan Cabdullaahi oo loo doortay guddoomiyaha Baarlamaanka Waqooyi Bari Soomaaliya

Laascaanood ( Raxanreeb Online) Magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya waxaa maanta ka dhacday doorashada guddoomiyaha Baarlamaanka maamulkaasi, oo ay ku tartamayeen ilaa iyo labo musharax.

Xildhibaanada Baarlamaanka maamulkaas ayaa Dr Aadan Cabdullaahi Aw-Xasan u doortay guddoomiye kaddib markii uu helay codad gaaraya 53 halka musharaxii kale ee la tartamayay  Cabdiqafaar Maxamuud Maxamed ( Dheeliye) uu helay 29 cod.

Geesta kale madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa hambalyo iyo bogaaadin u diray guddoomiyaha cusub, isaga tilmaamay in doorashadan ay tahay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo dowladnimada, si bulshada ay deegaanka ay u helaan horumar wax tax leh.

“Waxaan Guddoomiyaha cusub u rajaynayaa in Alle u fududeeyo mas’uuliyadda culus ee loo igmaday, anigoo aaminsan in uu door muuqda ka qaadan doono xaqiijinta dowlad-dhiska, dhammaystirka geeddi-socodka doorashada iyo ilaalinta sharciga”, ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale madaxweynaha, ayaa bogaadiyey xildhibaannada Waqooyi Bari Soomaaliya, waxa uuna u rajeeyey in Alle ku guuleeyo shaqada harsan ee doorashada iyo dowladnimada.

Leave a Reply

Your email address will not be published.