Ruushka ( Raxanreeb Online) Dalka Ruushka ayaa 574 diyaaradood oo kuwa aan duuliyaha lahayn ah iyo 40 gantaal ku garaacay dalka Ukrain mid ka mid ah duqeymihii ugu cuslaa todobaadyo gudahood, sida ay sheegeen saraakiisha Ukraine.
Hal qof ayaa ku dhintay diyaarad aan duuliye lahayn iyo gantaal ay ku garaacday galbeedka magaalada Lviv, waxaana la sheegay in 15 qof ay ku dhaawacmeen weerar ka dhacay koonfurta-galbeed ee gobolka Transcarpathia.
Weeraradan ayaa yimid iyadoo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu hormuud ka yahay dhaqdhaqaaqyo diblomaasiyadeed oo lagu joojinayo dagaalka, waxaana wasiirka arrimaha dibadda ee Ukraine Andrii Sybiha uu sheegay in weerarradan ay muujinayaan sida loogu baahnayahay dadaallada lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaalka ay “aad muhiim u yihiin”.
Madaxweyne Volodymyr Zelensky ayaa sheegay in Ukraine ay diyaar u tahay inay kula kulanto Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin “dal dhex-dhexaada oo Yurub ah” sida Switzerland ama Austria – sidoo kalena aanu diidaneyn Istanbul.
Zelensky waxa uu sheegay in uu diyaar u yahay in uu la kulmo Putin qaab kasta oo ay tahay, inkasta oo uu messha ka saaray fikradda ah in uu kula kulmo Budapest, taas oo uu sheegay in aanay taasi hadda fududayn.

Leave a Reply