Laascaanood ( Raxanreeb Online) Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, Senator Cabdullaahi Cali Timacadde, ayaa sheegay in madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Ra’iisul wasaare Xamsa, ay ka qeyb gali doonaan caleema-saarka hoggaamiyaha maamulka waqooyi Bari ee Soomaaliya.
Guddoomiye Timacadde, ayaa madaxda dowladda ku amaanay kaalinta ay ka qateen sidii duruufaha looga saari lahaa gobollada Sool,Ceyn iyo Sanaag waxa uu hoosta ka xaqiiray in madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha in ay guteen waajibaad qaran oo ka saarnaa ilaalinta midnimada dalka.
Sidoo kale Senator Timacade, ayaa sheegay in xubnaha labada golle ee laga soo doorto gobollada Sool, Sanaag iyo Ceyne, ay u istaagi doonaan sidii uu cagahiisa ugu istaagi lahaa maamulka cusub, waxa uuna tilmaamay in uu rajo ka qabo inuu xalismi doono tagfaraakuqa ka dhex jira siyaasiyiin labada golle ku matala dowladda federaalka Soomaaliya.
Hadalka kasoo yeeray guddoomiye ku-xigeenka labaad ee golaha Aqalka sare, ayaa ku soo aadaya xili dhowaan ay wasaaradda arrimaha gudaha ee xukuumadda Soomaaliya, sheegtay in la dhameystiray maamulka cusub ee waqooyi Bari Soomaaliya, oo ay dhisteen shacabka degga gobollada Sool Sanaag iyo Ceyn.

Leave a Reply