Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Itoobiya iy ujeedka uu u tagay…

Addis Ababa ( Raxanreeb Online) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Addis Ababa-caasimada dalka Itoobiya, kaddib caasumaad uu ka helay midowga Afrika.

Madaxweynaha iyo Wefdigiisa waxaa garoonka diyraadaha ee magaalada Addis Ababa Itoobiya ku soo dhaweeyey mas’uuliyiin sare oo katirsan dowladda dalkaasi..

Ujeedka madaxweynaha ayaa ka ah qeyb galka shir labaad ee Cimilada Afrika (ACS2) oo ay soo qabanqaabisay Midowga Afrika (AUC), ayna kasoo qeyb galayaan madaxda dalalka Africa iyo marti sharaf kale.

Dhinaca kale warar madax banaan ayaa sheegay in madaxweyne Xasan uu ka qeyb geli doono xafladda Daah furka mashruuca biyo xireenka Itoobiya.

Booqashada Madaxweyne Xasan shiikh ayaa ku aadaysa xilli dowladda Masar ay dagaal iclaamisay haddii Itoobiya Biyaha wabiga Nile-ka kala goyska.

Masar iyo Soomaaliya ayaa lahaa xulufo siyaasadeed, in Madaxweyne Xasan ka qeyb galo xafladda Biyo xireenka Nile tallabadan ayaa la tilmaamay in ay tahay mid niyad jab ku ah xiriirkii Soomaaliya iyo Masar.

Leave a Reply

Your email address will not be published.