Masar oo dacwad ka dhan ah Itoobiya u gudbisay Qaramada Midoobay

Qaahira ( Raxanreeb Online) Maalintii ay Itoobiya daah-furtay biyo-xireenka ay dhisaysay 14-kii sano ee la soo dhaafay, Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar wuxuu warqad cabasho ah u gudbiyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, isagoo ka cabanaya tallaabada halka dhinac ee Itoobiya.

Inkasta oo ay Itoobiya, Masar, iyo Suudaan sanado badan ka wadahadleen arrimaha ku saabsan buuxinta biyo-xireenka iyo sidii uu u sii shaqayn lahaa, haddana waxaa la dhammaystiray oo si rasmi ah loo furay iyada oo aan heshiis la gaarin.

Kadib furitaanka biyo-xireenka oo ay ka soo qeyb galeen madax iyo mas’uuliyiin sarsare oo ka kala socday dalal kala duwan oo Afrikaan ah ayaa wasiirka arrimaha dibadda Masar Badar Abdelati waxa uu warqad u diray Madaxweynaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo uu ku muujinayo sida dalkiisa uu uga soo horjeedo.

Masar ayaa Qaramada Midoobay si isdaba joog ah u qortay sanado badan oo ku saabsan biyo xireenka Grand Renaissance Dam, warqad ay soo dirtay shalay oo ku beegan maalintii la furay biyo-xireenka ayay ku muujisay sida ay uga soo horjeedo biyo xireenka.

Warqad uu u diray Golaha Ammaanka ayuu wasiirka arrimaha dibadda ku sheegay in Itoobiya ay dhisayso biyo xireenka Renaissance “Mashruuc hal dhinac ah oo ka hor imanaya shuruucda caalamiga ah iyo xeerarka u degsan wabiga Niil Bari”.

Leave a Reply

Your email address will not be published.