Dabley hubeysan oo dilay ganacsade caan ka ahaa magaalada Gaalkacyo

Gaalkacyo ( Raxanreeb Online) Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo, ayaa sheegaya in saaka bartamaha suuqa magaalada lagu dilay ganacsade caanka ahaa degaanka. kaasi oo loo dilay aano qabiil.

Ganacsade Siyaad Cali Xirsi oo caan ka ahaa magaalada Gaalkacyo, ayaa kamid ahaa haldoorka gobolka Mudug , waxaana dilkiisa geystay dabley hubaysan ku weerartay xaruntiisa ganacsi ku taalla suuqa Gaalkacyo dhinaca Puntland.

Goob-joogayaal ku sugan Gaalkacyo ayaa laga soo xigtay in marxuum Siyaad Cali Xirsi, xiliga dilka loo geysanayay uu ku sugnaa xarun ganacsi ku lahaa suuqa, kaddib markii dabley hubaysan tacshiirad huwisay marxuumka.

Laamaha Amniga Gobolka Mudug, ayaa sheegay in aysan weli ku guulaysan soo qabashada kooxdii dilka geystay oo goobta ka baxsaday, balse waxay ciidamadu sameeyeen hawlgal ay ku baadi-goobayaan raggii dilka geystay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.