Moqokori ( Raxanreeb Online) Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ciidanka hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka qaranka, oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah, ay ka fuliyeen degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan.
Howlgalka ayaa lagu dilay saddex kamid ah saraakiisha sar sare ee kooxda Al-shabaab oo halkaasi ku sugnaa.
War qoraal ah oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu khaarijiyay saddex horjooge oo muhiim u ahaa kooxda, isla markaana dhibaato badan ka geystay deegaannada gobolka Hiiraan.
Saddexda horjooge ee howlgalka duqeynta ah lagu dilay, waxaa kamid aha Cali Xiiray, iyo labo hojooge oo kale, waxaana la tilmaamay in horjooge xiiray oo ahaa sarkaal muhiim u ah kooxda uu ka dambeeyey weeraro iyo falal amni darro ah oo ka dhacay deegaannada gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.
Sidoo kale qoraalka kasoo baxay dowladda, ayaa lagu sheegay in faah faahin intaa ka badan oo ku saabsan howlgalka la shaacin doono saacadaha soo socda.
Sikastaba, howlgalkan qorsheysan ee lagu dilay horjogayashaan katirsan Al-shabaab, ayaa ku soo aadaya xili dowladda Soomaaliya ay shaacisay in howlgal wadajir ah oo ka dhan Al-shabaab uu ka bilaaban doono dalka.

Leave a Reply