Wasiirka amniga gudaha oo kulan xasaasi ah la qaatay Madaxa Hay’adda IOM

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda IOM ee Qaramada Midoobay, Manual Pereira.

Waxyaabaha ugu muhiimsan ee laga hadlay waxaa ka mid ahaa, wada shaqeynta Wasaaradda iyo IOM, xoojinta amniga iyo maamulka socdaalka, si loo horumariyo adeegyada la xiriira amniga iyo taageerada bulshada, xuduudaha dalka, iyadoo la isla gartay muhiimadda ay leedahay sugidda iyo casriyeynta nidaamyada ilaalinta xuduudaha.

Sidoo kale, arrimaha la isla soo qaaday waxaa kamid ah Tahriibka iyo socdaalka sharci darrada ah, iyadoo IOM iyo Wasaaradda ay isku raaceen in la xoojiyo qorshayaasha ka hortagga tahriibka, iyo taageerada dadka ku soo laabta dalka.

Wasiirka Amniga Gudaha ayaa uga mahadceliyey IOM doorka ay ka qaadato taageerada Soomaaliya, isagoo xusay in iskaashiga joogtada ahi uu gacan weyn ka geysan doono sugidda xasilloonida iyo horumarinta nidaamka socdaalka.

Dhankiisa, Manual Pereira ayaa ballanqaadday in IOM ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Dowladda Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada xuduudaha, tahriibka iyo dib-u-habaynta adeegyada socdaalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.