Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in ay tahay “Maalin ku weyn Israa’iil” tallabadan ayuu kaga dhawaaqay baraha bulshada wax yar ka dib markii madaxweyne Trump uu ku dhawaaqay heshiis ku saabsan marxaladda koowaad ee qorshihiisa.
Waxaa la filayaa in uu isugu yeero dowladdiisa si uu u ansixiyo heshiiska. Xamaas ayaa ugu baaqday Maraykanka iyo dhexdhexaadiyayaasha kale inay xaqiijiyaan in Israa’iil ay fuliso heshiiska “iyagoon diidin ama dib u dhigin”.
Farxad ayey dadku xalay dibadda ugu soo baxeen markii uu warku ku faafay waddooyinka mugdiga ah ee Khan Younis ee koonfurta Qasa iyo fagaaraha La-haystayaasha ee Tel Aviv, hooyada dhashay Israa’iili lal hayste ah ayaa shiday rash dabaaldeg ah ayadoo rajaynaysa in wiilkeeda la sii daayo.
Golaha Ammaanka ee Israa’iil ayaa lagu wadaa in ay kulmaan ayadoo uu xigo kulan buuxa oo ay dowladdu yeelato si loo oggolaado sii deynta maxaabiista Falastiiniyiinta si loogu beddelo la haystayaasha. Xamaas ayaa xaqiijisay inay sugayso ansixinta kama dambaysta ah ee liiska maxaabiista.
Waa xabbad joojintii saddexaad oo la gaaro tan iyo markii uu billowday dagaalka dhiigga badani ku daatay labo sano ka hor, waxaana rajo ka muujinaya labada dhinac inay si buuxda u soo afjaraan dagaalka.
Ma cadda haddii wax dammaanad qaad caalami ah oo la siiyay si loo xaqiijiyo taas.

Leave a Reply