Golaha wasiirrada ee XFS oo ansixiyay heshiiyo Soomaaliya la gaartay saddex dal

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Golaha wasiirrada ee xukuumadda Soomaaliya, ayaa maanta kulankoodi todobaadlaha ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho, waxaana kulanka ay uga hadleyn xaalada guud ee dalka.

Kulanka ayaa waxaa shir guddoominayay Ra’iisul wasaare ku-xigeenka 2-aad ee xukuumaadda Jibriil Cabdirashiid, ayaa warbixinno looga dhageystay wasaaradaha amniga, difaaca iyo waxbarashada.

Inta uu kulanka socday, golaha ayaa ansixiyay ilaa iyo saddex heshiis oo is afgarad ah oo Soomaaliya la gashay dalalka Qatar, Uganda iyo Aljeeriya kuwaasi oo dhammaan la xiriira waxbarashada.

Heshiisyada ayaa kala ah:

1 Heshiis is-afgarad oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Uganda, kuna saabsan Waxbarashada.

  • 2 Heshiis is-afgarad oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar, oo ku saabsan Tacliinta Sare iyo
  • 3 Heshiis is-afgarad oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Aljeeriya kuna saabsan Tacliinta Sare Cilmi Baarista.

Ugu dambeyn heshiisyadan ayaa la horgeeni doonaa labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, si ay rasmi u noqdaan, sida ku qoran dastuurka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.