Yahuuda oo isu diyaarineysa sii deynta maxaabiista Falastiiniyiinta

Falastiin ( Raxanreeb Online) Waaxda xabsiga Israa’iil ayaa billowday wareejinta maxaabiista Falastiiniyiinta ee la filayo in lagu sii daayo heshiiska Xamaas habeenkii Jimcaha, taasoo qayb ka ah fulinta qodobbada heshiiska is dhaafsiga ee soo socda.

Warbaahinta Israa’iil ayaa sheegtay in dadka loo gudbiyay xabsiga Ketziot loo musaafurin doono Marinka Qasa ama dalal ay ka mid yihiin Turkiga iyo Qadar, halka kuwa loo gudbiyay xabsiga Ofer lagu sii dayn doono Daanta Galbeed.

Heshiiska waxaa ka mid ah sii deynta 250 maxbuus oo xabsiyo dhaadheer ku jira iyo 1,700 oo maxaabiis ah oo laga qabtay Qasa wixii ka dambeeyay 7-dii Oktoobar 2023, oo ay ku jiraan 22 carruur ah.

Geesta kale Kumanaan qof oo barakacayaal ah ayaa bilaabay inay u lugeeyaan waqooyiga wadada al-Rashid ee ku wajahan magaalada Gaza ka dib bilawga xabad joojinta.

Waxa ay ku soo noqon doonaan waa burburkii baahsanaa ee uu ka tagay dagaalkii socday muddada labada sano ah.

Sida laga soo xigtay muqaal sawirka dayax-gacmeedka oo laga soo saaray horraantii bishan cilmi-baarayaal ka tirsan Jaamacadda Gobolka Oregon, 198,883 dhismo oo ku yaalla Marinka Gaza ayaa loo maleynayaa in ay waxyeelo soo gaartay tan iyo bilowgii dagaalka.

Burburka dhismayaasha ayaa laga arki karaa guud ahaan Qaza, iyadoo magaalada Gaza ay ka mid tahay meelaha ugu daran. Cilmi-baarayaashu waxay qiyaaseen in 74% dhismayaasha ku yaal agagaarka magaalada ugu weyn ee marinka ay u badan tahay inay waxyeelo soo gaartay tan iyo 7dii Oktoobar 2023.

Leave a Reply

Your email address will not be published.