Waajid ( Raxanreeb Online) Wefdi uu hoggaaminayo wasiirka dekadaha iyo gaadiidka Badda ee xukuumadda Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac, ayaa gaaray Degmada Waajid ee Gobolka Bakool.
Ujeedka wasiirka uu u tagay degmada Waajid, ayaa ah is diiwan-gelinta hanaannka doorashooyinka Qof iyo Cod ee lagu wado inay ka dhacdo guud ahaan dalka iyo sidii deegaanada gobolka Bakool looga hirgelin lahaa.
Gudoomiyaha degmada Waajid ahna Duqa Magaalada Maxamed Macalin Yuusuf, Saraakiisha Hay’addaha Amniga iyo qeybaha kala Duwan Bulshada degmada Waajid ayaa Garoonka diyaaradaha kuso dhoweyey Wafdiga uu Hogaaminayey Wasiir Jaamac.
Wasiir Jaamac, ayaa kulan la yeelan doonaa maamulka degmad iyo qeybaha kala duwan ee bulshada degmada Waajid, isaga oo kala hadli doonaa sidii ay doorkooda u qeyb noqon lahayeen doorashada Qof iyo Cod ee ay wado dowladda dhexe.

Leave a Reply