Marka ( Raxanreeb Online) Inta la xaqiijiyay 5 ruux oo shacab ah ayaa ku dhaawacmay kaddib qarax miino oo maanta ka dhacay magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeellaha Hoose.
Qaraxan oo ahaa miino ayaa si gaar ah uga dhacay maqaaxi shaaha laga cabo oo ku taalla bartmaha magaalada Marka.
Goob jogayaal ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa mid culus, isla markaana uu baabi’iyay, balse aysan ogeyn cid ka dambeysay.
Ciidamada dowladda oo qarax kaddib goobta gaaray ayaa sameeyey baaritaano kala duwan, balse ma jirro cid ay u soo qabteen qaraxa.
Weli maamulka magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeellaha Hoose, kama aysan hadlin qaraxan maanta ka dhacay magaalada Marka.
Kooxda Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada qaraxa khasaaraha dhaliyay sida ay ku baahiyeen baraha ay internetka ay ka isticmalaan.

Leave a Reply