Dhacdooyin argagax leh oo ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose

Wanlaweyn ( Raxanreeb Online) Maleeshiyaad hubaysan ayaa maanta dab qabad siiyay tuulada Gareeri oo hoos timaada degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Weerarka ayaa la sheegay in ay ku dhinteen hooyo iyo afar carruur ah oo ay dhashay, iyadoo ay jiran sido kale dhimasho iyo dhaawac kale oo u dhaxeeya dadka ku dagaalamaya deegaankaas.

Dhacdadan ayaa daba socota fal kale oo argagax leh oo shalay ka dhacay deegaanka Dudumay ee duleedka degmada Wanlaweyn, kaddib markii nolosha lagu gubay nin oday ah dhimirka ka xanuunsan.

Geesta kale Wasaaradda arrimaha gudaha ee xukuumadda Soomaaliya Soomaaliya, ayaa baaq nabadeed ka soo saartay dhacdooyinka foosha xun ee ka socda deegaannada ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Leave a Reply

Your email address will not be published.