Muqdisho ( Raxanreeb Online) Xildhibaanada Baarlamaanka golaha shacabka oo maanta kulan ku yeeshay xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho, ayaa ansixiyay hindise sharcyiyeedka la dagaalanka Burcad badeeda iyo ka hortaga afduubka oo dib u eegis lagu sameeyey.
140 Mudane ayaa codka siiyay mana jirin xildhibaan ka aamusay ama diiday sida uu sheegay guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee golaha shacabka Xildhibaan Abshirow oo shir guddoominayay kulanka.
Sharciga la dagaalanka burcad badeeda ayaa la soo saaray sannadii 1975, waxaana lagu sameeyey dib u eegis, kaddib markii loo xil saaray guddi kaasi oo ugu dambeeyn golaha shacabka horkeenay.
Sidoo kale hindise sharciyeedkan ayaa loo gudbin doona golaha aqalka sare oo marsiin doono habraacyada kala duwan sida Akhrin, dood iyada oo ugu dambeyn cod loo qaadi doono.
Xildhibaanada golaha shacabka, ayaa waxaa horyaala ajandayaal badan oo u baahan in ay meel mariyaan kuwaasi oo dal muhiim u ah.

Leave a Reply