Shaqada garoonka Muqdisho oo maanta hakad ku timid iyo sababta

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Waxaa maanta hakad galay shaqadii garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kaddib markii ay shaqa joojin ay sameyeen shaqaalo katirsan garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

Sababta ay shaqaalaha u joojiyeen shaqada, ayaa waxa ay ku shegeen cabaho ay ka qabaan shirkada Favori ee maamusha garoonka Aadan Cadde.

Dibad bax kooban oo ay dhigeen shaqaalaha, ayaa waxa ay ku shegeen in ay u baahan yihiin in xukuumadda Soomaaliya ay soo farageliso waxa ay isku hayaan ayaga iyo shirkadda Favori.

Muqaalo lagu baahiyay baraha bulshada, ayaa muujinayay shaqaalo xiren dharka gaar ah ee shirkadda Favori oo aan wax shaqo ah heynin, taasi oo cadeeyneysa in gadood ay ku jiraan shaqaalaha.

Geesta kale ilaa iyo 15 shaqaale ayaa laga eryay shaqada kuwaasi oo la shaaciyay magacyadooda iyo numberada aqoonsiga ay ku shaqeeynayeen.

Wararkii ugu dambeeyay waxa ay sheegayaan in Taliyaha amniga garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, uu u tagay shaqaalaha, isla markaana uu kala hadlayo in la xalinayo cabashada ay qabaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.