Gaalkacyo ( Raxanreeb Online) Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa askari katirsan ciidanka daraawiishta Puntland oo waqooyiga Gaalkacyo xalay ku diley qof shacab ah.
Wararka ayaa waxa ay intaas ku darayaan in wiilka la dilay uu kamid ah dhallinyarada ku shaqeysta Mooto Bajaajta, kaasi oo lagu magacaabi jiray Alle hau axariiste Cabdullaahi Maxamed Xasan.
Dilka kaddib ayaa la sheegay inuu goobta isaga baxsaday. Askariga dilka ayaa la sheegay in uu goobta isaga baxsaday.
Weli maamulka magaalada Gaalkacyo iyo laamaha amniga kama aysan hadlin dilka uu geystay askariga katirsan ciidanka Daraawiishta Puntland ee dilka geystay.

Leave a Reply