Baarlamaanka Soomaaliya oo meel mariyay Miisaaniyadda dowladda ee 2026

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Labada Aqalka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta xarunta Villa Hargeysa ku yeeshay kulan wadajir ah. Kulanka wadajirka ah ayaa waxaa si shir guddoominayay labada guddoonka ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana soo xaadiray 179 mudane oo katirsan labada golle ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Fadhiga maanta ee Baaralmaanka, ayaa ahaa mid xasaasi ah kaasi oo cod loogu qaadayay Miisaaniyadda dowladda 2026, waxaana ogolaatay 174 Mudane, waxaana diiday 4 Mudane, waxaana ka aamusay hal Xildhibaan sida uu ku dhawaaqay guddoomiyaha golaha shacabka Aadan Madoobe.

Guddiga Maaliyadda Baarlamaanka iyo Senatarrada fadhigaga, ayaa xildhibaanada ugu mahadceliyay ansixinta Miisaaniyadda. Waxaana loo gudbin doonaa Madaxweynaha dalka Xasan Sheekh Maxamuud.

Wasaaradda Maaliyadda ee xukuumadda Soomaaliya, ayaa ugu mahadcelisay labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, madaama ay aqbaleen soo gudbinta uu soo marsiiyay guddiga Maaliyadda oo ugu dambeyn uu Baarlamaanka meel mariyay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.