Weerar dad badan lagu dilay oo ka dhacay dalka Itoobiya

Itoobiya ( Raxanreeb Online) Wararka inaga soo gaaraya dalka Itoobiya, ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay saakay weerar culus ka geysteen degaanka Gambella ee dalkaasi.

Kooxaha hubeysan ayaa weerarka ku qaaday xerada Qaxootiga ee Tharpam, waxaana goobta ay ku dileen tiro ka badan 10 qof oo shacab ah, iyada oo sidokale la gubay Guryaha Qaxootiga ee teendhooyinka.

Weerarkan ayaa kusoo beegmay xilli amniga dawlad degaanka Gambella uu sii xumaanayo, waxaana toddobaadyadii iyo bilihii u dambeeyay dhacay weerarro isdaba joog ah iyo rabshado watay kuwaasi oo si gaar ah uga dhacay dhacay magaalooyinka Iteng, Abol iyo casimada Gambella.

Leave a Reply

Your email address will not be published.