Muqdisho (Raxanreeb Online) Saakay magaalada Muqdisho, waxey ku waabariisatay waji cusub oo ku aadan sidii hore, kaddib markii saakay shacabka Muqdisho u dareereen doorashada golayaasha deegaanka oo 57 kaddib ka dhaceyso Muqdisho.
Muqdisho waa bandowa Waxaa gabi ahaan xiran waddooyinka waa weyn ee magaalada, goobaha ganacsiga iyo waxbarashada, halka dekadda Muqdisho iyo garoonka diyaaradaha ay qeyb ka yihiin goobaha gabi ahaaba shaqeyneynin.
Ammaanka magaalada Muqdisho, ayaa aad loo adkeeyay, waxaana waddooyinka waa weyn ee caasimada lasoo dhigay ciidamo badan oo sugaya amniga.
Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Cabdikariin, ayaa shacabka ugu baaqay in ay racaan tilmaamaha nidaamka doorashada, xorna ay yihiin codadkooda.
Doorashadan ayaa waxaa ka tartamaya 20 Urur siyaasadeed, oo muddooyinkii ugu dambeeyey ololahooda doorashada ka waday Muqdisho.
16 degmo ee doorashada ka dhaceysa ayaa loo kala qeybiyay (A iyo B) degmooyinka (A) 27 xubnood halka (B) ay yihiin 21 xubnood.
Sidoo kale 1600 oo musharax ayaa u tartameysa 390 kursi oo yaalla 16 degmo ee gobolka Banaadir.

Leave a Reply