Delhi ( Raxanreeb Online) Sida ilo wareedyo inoo shegeen Villa Somalila, ayaa bilowday in ay dib u eegto safiirada ay dibada u dirsatay, ee kasoo jeeda Somaliland, iyada oo durbo Safiirka Soomaaliya ee Hindiya Cabdiraxmaan Odawaa ay si deg deg ah loogu diray Ticketkii uu ku soo gali lahaa Muqdisho 29-ka bishan oo kama dambeys ah, waxaana wasaaradda arrimaha dibada la ogeysiiyey u yeeritaankiisa.
Wararka ayaa intaas ku daraya in waxyaabaha lagu haysto ay kamid tahay in uu ka shaqeeyey xariiro toos ah oo dhexmaray Somaliland iyo Hindiya, uuna ole-ole u galay ka shaqeynta wax aan aheyn Diblumaasiyadii ay dawladda Faderaalka u dirsatay, taas oo ah deegaanka uu kasoo jeeday.
Safiirkan ayaa kasoo jeeday Somaliland, ayaa hadda laga sugaya inuu tago magaalada Muqdisho, xili ay warar sheegayaan in lahayo cadeymaha qoraalada iyo xariirada uu sameeyey Talaabiib.

Leave a Reply