Hargeysa ( Raxanreeb Online) Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta kulan degdeg ah la qaadanaya Xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, si looga hadlo xadgudubka ay Israa’iil ay ku sameeysay midinimada iyo wadajirka dhuleedk ee dalka.
Madaxweynaha ayaa goordhaw la filaya inuu gaaro xarunta Villa Hargeysa oo ay ku shegeen xildhibaanada golaha shacabka, waxaana madaxweynaha uu jeedin doonaa khudbad uu dhinacyo kala duwan uga hadli doono.
Sida ay ilo wareedyo inoo sheegeen madaxweynaha ayaa khudbadiisa inteeda badan uga warami doonaa xadgudubka Israa’iil iyo tallaabada ay dowladda qaaday tan iyo markii ay soo baxday in Israa’iil ay aqoosatay Somaliland. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa cadeen doona mowqifka dowladda Soomaaliya ee ay ka taagan tahay aqoosiga Somaliland.
Sida ay ku soo waramayaan wariyeyaasha ku sugan xarunta Baarlamaanka, waxaa socda diyaaragowga ka qeyb galka madaxweynaha kulanka maanta, iyada oo inta badan ay xaruunta ay gareen xildhibaanada Baarlamaanka labada aqal, isla markaana goordhaw la filayo in madaxweynaha dalka uu gaaro xarunta Baarlamaanka.
Geesta kale madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa sacaadihii lasoo dhaafay kulamo kala duwan la qaatay mas’uuliyiinta mucaradka, dowlad goboleedyada, bulshada rayidka iyo cid walbo oo door muhiim ah ka qaadan karta ilaalinta midnimada Soomaaliya.
Wixii ku soo warkan halkan kala soco

Leave a Reply