Senator Cusmaan Dube oo is casilay iyo sababta ka dambeysa

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Senator  Cusmaan Abuukar Dube oo katirsan golaha aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, isla markaana ka soo jeeda deegaannada Somaliland, ayaa shaaciyay inuu iska casilay, sababo la xiriira cadaadis kaga yimid madaxa sare ee dowladda.

Iscasilaadda ayaa ku soo beegmeysa xilli ay Israa’iil shaacisay inay aqoonsatay Somaliland, tallaabadaas oo dhalisay carro iyo diidmo xooggan oo ka timid Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo qaar ka mid ah dowladaha caalamka.

Sidoo kale, wararka ayaa intaas ku daraya in Senator Dubbe la filayo inuu u safro magaalada Hargeysa, inkasta oo ujeeddada safarkiisa aan si rasmi ah loo caddeyn.

Wararka qaar ayaa sheegay in xubno kale oo katirsan Baarlamaanka ay is casili doonaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.