Xukuumadda Talibaan ee Afgaanistaan ayaa bayaan ay soo saartay si kulul u cambaaraysay aqoonsiga Israa’iil ee ay Somaliland u aqoonsatay dal madax-bannaan.
Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa sheegtay in tallaabadan uu qaaday maamulka Israa’iil ay tahay “isku day lagu doonayo in lagu kala qeybiyo dal Islaam ah”.
War saxaafadeedka ayaa ku tilmaamay tallaabadaas mid xadgudub ku ah sharciga caalamiga ah iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, iyadoo sheegtay in ay cawaaqib xun ku yeelan doonto nabadda iyo xasilloonida gobolka.
Israa’iil ayaa Jimcihii noqotay waddankii ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Soomaaliland “dal madax-bannaan”.
Ka dib markii ay Israa’iil aqoonsatay Somaliland, Soomaaliya, Masar, Turkiga, Jabuuti iyo Midowga Afrika ayaa iyaguna si kulul u cambaareeyay tallaabadaas.
Si kastaba ha ahaatee, tallaabadan Israel ayaa waxaa si weyn uga fal-celiyay iyo cambaareyn uga timid dalalka Soomaaliya, Masar, Turkiga, Jabuuti, iyo Midowga Afrika.

Leave a Reply