Afmadow ( Raxanreeb Online) Howlgal qorsheysan ayaa sacaadihii lasoo dhaafay ciidamada Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ka fuliyeen deegaanka Hanjaleeley, oo qiyaastii 50-km dhanka waqooyi-bari uga beegan magaalada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose.
Howlgalka, ayaa lagu bartilmaameedsanayey maleeshiyaad katirsan Al-shabaab oo qorsheynayey falal amni-darro, waxaana Ciidamada Danab ku guuleysteen inay ka hortageen miinooyin lagu waxyeelleyn rabay shacabka iyo ciidanka isticmaala waddooyinka deegaanka.
Intii uu howlgalka socday ayaa waxaa dhacay isku-horimaad kooban, waxaana Kumaandooska Danab ay ku khaarijiyeen hal dhagarqabe oo kamid ahaa maleeshiyaadka Al-shabaab, halka mid kale nolosha lagu qabtay.
Sidoo kale ciidamada ayaa gacanta ku dhigay mootadii ay ku soo socdeen iyo qaraxyadii ay damacsanaayeen in ay ku dhibaateeyaan dadka shacabka ah.
Saraakiisha ciidanka Danab ee howlgalka hoggaaminayay, ayaa sheegay in howlgalkani uu ahaa mid si guul leh ku dhammaaday, islamarkaana si buuxda loogu fashiliyey qorshe khatar ahaa kooxda Al-shabaab u qorsheynayeen gobolka Jubbada Hoose.



Leave a Reply