Soomaaliya oo gabi ahaanba burburisay heshiisyadii ay la gashay Imaaraatka

Muqdisho (Raxanreeb Online) Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa qaadday tallaabo diblomaasiyadeed oo layaab leh, iyadoo baabi’isay dhammaan heshiisyadii iskaashiga amniga ee ay la lahayd dalka Imaaraadka Carabta.

Go’aankan oo kasoo baxay shir aan caadi ahayn oo ay maanta yeesheen Golaha Wasiirrada, ayaa loo arkaa mid lagu difaacayo madax-bannaanida Soomaaliya.

Heeshiyada meesha laga saaray waxaa ka mid ah.

1-Heshiisyada Ganacsiga labada dhinac u dhaxeeyey
2- Heshiisyada siyaasadeed
3- Heshiisyada amniga iyo difaaca.
4- Heshiisyada UAE ku maamuleysay qeybo kamid ah ilaha dhaqaalaha.

Isbeddelkan weyn ayaa calaamad u ah weji cusub oo ku yimid siyaasadda dibadda ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee ku aaday xiriirkii qotoda dheera ee u dhaxeeyay dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraatka Carabta.

Geesta kale Madaxweynaha oo muddo dheer xiriir dhow la lahaa Abu Dubai, ayaa hadda u muuqda inuu u weecday dhanka waddamada Sacuudiga iyo Qatar.

Si kasta oo ay dawladdu go’aankan u qaadatay, haddana waxaa jira walaac laga qabo saameynta ay ku yeelan karto gudaha dalka.

Imaaraadka Carabta ayaa saameyn xooggan ku leh qaar ka mid ah dawlad-goboleedyada dalka, iyadoo durba la soo sheegayo inay jiraan madax gobolleedyo u safray Dubai si ay wadatashi ula soo yeeshaan dawladda Imaaraadka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.