Nairobi ( Raxanreeb Online) Shir u dhaxeeya Ra’iisul wasaariyaashi hore ee dalka iyo hoggaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe oo ku mideysan golaha mustaqbalka Soomaaliyeed, ayaa ka soconaya magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya.
Shirkan oo ay xubnahan ku lee yihiin magaalada Nairobi, ayaa waxa uu gogol xaar u yahay go’aanka ay ka qaadanayaan shirka ay xukuumadda Soomaaliya icmaalisay shalay, kaasi oo looga hadli doono dhowr ajande oo muhiim ah.
Sidoo kale shirkan oo ay ka qeyb galayaan Xasan Cali Khayre, Saacid Shirdoon iyo Maxamed Xuseen Rooble, ayaa waxaa la filaya in saacadaha soo socdo ay shirka ku biiraan xubno katirsan golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.
Sida ay inoo xaqiijiyeen ilo ku dhow madaxda, shirkan ayey xubnahan waxa ay uga hadli doonaan laba qodob oo kala ah in la gudbiyo guddi farsamo oo matala golaha Mustaqbalka, loona diro guddiga Xukuumadda uu hoggaaminayo wasiirka Dastuurka Xasan Macalin, iyo in shirkii magaalada Garoowe la dardargeliyo, isla markaana dhowaan la qabto.
Kulamadan ay xubnahan ku lee yihiin magaalada Nairobi, ayaa ku soo beegmaya iyada xiisada siyaasadeed ay cirka isku sii shareereyso, kaddib markii mucaaradka dowladda ay ka digeen in aysan dhicin firaaq dastuurka ah muddo kororsi.

Leave a Reply