Khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay dhul go’ ka dhacay Indonesia

Jakaarta ( Raxanreeb Online) Ugu yaraan todobo qof ayaa ku dhintay, iyada oo la la’yahay in ka badan 80 qof kaddib markii dhul go’ uu ka dhacay gobolka Galbeedka Java ee Indonesia, sida ay sheegeen mas’uuliyiintu. kadib maalmo roobab xooggan ah ay da’ayeen.

In ka badan soddon guri ayaa burburay, kadib markii “walxaha dhul go’a ay ku daboolen deegaanada la deganaa, taasoo keentay dhimasho iyo saameyn ay ku yeelatay dadka deegaanka,” sida lagu sheegay bayaan ay soo saartay hay’adda Indonesia ee ka hortagga musiibooyinka.

Digniino la xiriira fatahaado, dhul gariir iyo cimilada daran ayaa sidoo kale laga soo saaray guud ahaan gobolka.

Dhul go’u wuxuu saameeyay tuulada Pasirlangu, saacaddu markay ahayd 02:30 subaxnimo Sabtida (19:30 GMT).

Labaatan qof ayaa qiyaastii si nabad ah looga daad gureeyay goobta uu shilku ka dhacay, sida uu sheegay Abdul Muhari, madaxa isgaarsiinta ee Hay’adda Qaranka ee Raadinta iyo Badbaadada.

Sidoo kale sawirro ay la wadaageen warbaahinta maxalliga ah ayaa muujinaya guryo ku hoos jira dhoobo iyo burbur kale.

Leave a Reply

Your email address will not be published.