In ka badan 200 oo dagaalame oo katirsan kooxda AS oo lagu dilay Kudhaa

Badhaadhe (Raxanreeb Online) Guddoomiyaha degmada Badhaadhe Xasan Nuur ee gobolka Jubbada Hoose, ayaa ka warbixiyay khasaaraha Al-shabaab lagu gaarsiiyay dagaaladii ka dhacay deegaanka Kudhaa iyo tuulooyinka hoostaga degmada Badhaadhe ee gobolkaasi.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in tirada lagu dilay Al-shabaab ay kor u dhaafayaan labo boqol oo maleeshiyaad ah, dagaaladii labadii maalmood ee lasoo dhaafay ka dhacay deegaanka Kudhaa.

“Sida aad ka warheysanaa weerar bey nagu soo qadeen, runtii waan iska caabinay dhimashada hadda waxey mareysa 250, welina waxyeelo intaas ka badan ayaan gaarsiinay maleeshiyaadka Al-shabaab” ayuu yiri guddoomiyaha degmada Badhaadhe.

sidoo kale guddoomiyaha ayaa xusay in uu indhihiisa ku arkay sideed ka mid ah baabuurta dagaalka ah ee maleeshiyadka Al-shabaab looga burburiyay dagaalkii ka dhacay Kudhaa iyo nawaaxigeeda.

Ugu dambeyn guddoomiyaha ayaa sheegay in ciidamada ay ku daba jiraan firxadka kooxda Al-shabaab, isla markaana xaalada deegaanka Kudhaa ay tahay mid deggan, amnigana ay gacanta ku hayaan ciidamada daraawishta Jubbaland iyo ciidanka Kumaandooska Danab ee xoogga dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.