Muqdisho ( Raxanreeb Online) Xildhibaan katirsan Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa sheegay in xubnaha mucaaradka ay cabsi ka qabaan habka loo marayo wax ka badalka cutubyo kamid ah dastuurka ay yihiin kuwa aan wanaansaneen, maadama sida degdeg ah loogu gudbiyay Baarlamaanka, iyada oo aan wax watashi ah oo ku filan la sameeynin.
Xildhibaan Cabdullaahi Abuukar Xaaji oo xubin ka ah guddiga dib u-eegista Dastuurka, ayaa warbaahinta u sheegay in siyaasiyiinta mucaaradka ay ka walaacsan yihiin habka loo wajahayo wax-ka-badalada loo diyaarinayay loona gaarsiiyay hoggaanka Baarlamaanka Soomaaliya.
Xildhibaanka, ayaa sheegay in walaaca ay qabaan mucaaradka uusan gaarin heer ay qadacaan shirka wadatashiga ee la qorsheeyay inuu qabsoomo 1-da Febraayo.
Sidoo kale Xildhibaan Cabdullaahi Carab ayaa kamid ah guddiga farsamada ee golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, ayaa sheegay in golaha Mustaqabalka aysan weli wadaan qiimeyn ku aadan wax-ka-badalka la qorsheeyay in lagu sameeynayo cutubyo kamid ah Dastuurka.
Isaga oo sii hadlaya xildhibaanka, ayaa carabka ku dhuftay in lama huraan ay tahay in la dhameeystiro Dastuurka, balse hababka loo marayo aysan aheyn mid hufnaan ku dhisan oo lawada ogol yahay.
Ugu dambeyn Xildhibaan Cabdullaahi Carab ayaa sheegay in maamulada Puntland iyo Jubbaland, aysan ka qeyb qaadan wadatashiyada Dasuurka taasi oo uu ku tilmaamay in ay tahay caqabad weyn oo dhibka sii ballaarin karta.
Sikastaba, kulankii shalay Xildhibanada labada Aqal ay ku yesheen Muqdisho, ayaa loogu warbixinta soo jeedimaha wax-kabeddelka cutubyada 5-aad ilaa 9-aad ee dastuurka, iyada oo ay xusid mudan tahay in kulanka inuu ku soo dhammaaday buuq iyo gacan qaad dhex maray Xildhibaano kawada tirsan golaha Shacabka Soomaaliya.

Leave a Reply