Xildhibaan Cadar oo isbitaal la dhigay kaddib dhaawac soo gaaray…

Muqdisho (Raxanreeb Online) Xildhibaan Cadar Xareed oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ku dhaawacantay gudaha xarunta oo haatan ay ka taagan tahay xaalad kacsanaan ah oo ka dhalatay wax ka beddalka Dastuurka, waxaana gacanta iskula tegay ciidanka amniga iyo qaar kamid ah xildhibaannada diidan in xilligan lasii wado dooda Dastuurka.

Xildhibaanada ayaa hadda lagu dabiibayaa xaaladeeda caafimaad isbitaal ku yaalla magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Ra’iisul wasaare Xassan Cali Kheyre, kana mid ah Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa hadda Isbitaalka ku booqday xildhibaan Cadar oo dhaawac lugta ah kasoo gaaray shaqaaqadii ee saakay ka dhacday xarunta Baarlamaanka Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.