Garoowe ( Raxanreeb Online) Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa shaqo joojin ku sameeyay wasiirkii Qorsheynta ee xukuumadda Puntland Daa’uud Bisinle, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin katirsan Puntland.
Wararka ayaa waxa ay intaas ku darayaan in sababta shaqo joojinta loogu sameeyay wasiir Daa’uud, ayaa lagu sheegay in ay tahay amar diido uu sameeyay.
Sidoo kale maalmo ka hor ayay aheyd markii wasiir Daa’uud lagu abaal mariyay shaqo wanaag, balse tallabadan shaqa joojinta ee lagu sameeyay wasiirka Qorsheynta ee maamulka Puntland, ayaa loo arkaa mid salka ku heysa xurguf siyaasadeed oo u dhaxeeysa madaxweyne ku-xigeenka Puntland wasiir Daa’uud kasoo wada jedaan gobolka Sool.
Sikastaba, arrintaan ayaa ku soo adeeysa xili madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni, uu ku sugan yahay magaalada Muqdisho, isaga oo la filayo inuu ka qeyb galo shirka watashiga ee u dhaxeeya dowladda federaalka iyo mucaaradka.

Leave a Reply