Golaha Mustaqbalka oo kulan xasaasi ah uga socdo Muqdisho

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Golaha mustaqbalka Soomaaliya, ayaa kulan ugu soconaya the Airport hotel oo ku yaalla xeyndaabka Xalane ee Magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa la sheegay in maanta uu yahay mid xasaasi ah oo xubnaha uga arrinsanayaan xaalada siyaasadeed ee sii cakir-meysa, kaddib markii shirkii u dhaxeeya dowladda federaalka iyo golaha Mustaqbalka uu shalay natiijo la,aan ku soo dhammaaday.

Wararka ayaa intaas ku daraya in shirka ay qeyb ka yihiin agaasimihii hore ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe iyo wasiirka waxbarashada Faarax Cabdulqaadir, kuwaasi oo ergo ka socota madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh, isla markaana xubnaha golaha Mustaqbalka kala hadlaya in kulamada ay sii socdaan oo aysan soo saarin go’aano culus.

Sidoo kale waxaa la filaya in marka uu kulanka soo gaba-gaboobo in golaha Mustaqbalka ay soo saraan, qodobada ay isku mari-wayeen madaxweyne Xasan Sheekh kulamadii ay la yesheen.

Geesta kale shirkii shalay ay labada dhinac ku yesheen Villa Somalia, ayaa la sheegay in dhinacyadu ay isku mari-wayeen doorashooyinka iyo dastuurka.

Wixii warkan ku soo kordho halkan kala soco

Leave a Reply

Your email address will not be published.