Safaaradda Mareykanka oo ku baaqday in xal ay gareen mucaaradka iyo dowladda federaalka

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Tan iyo markii shalay kulankii u dhaxeeyay dowladda federaalka iyo golaha Mustaqbalka uu ku soo dhammaaday natiijo la,aan, ayaa magaalada waxaa ka biloowday kulamo gaar gaar ah oo ay lee yihiin dowladda iyo mucaaradka kaasi oo dhinacyadu uga hadlayaan in sidii loo xalin lahaa arrimaha ay isku hayaan.

Qoraal kasoo baxay Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in wada-hadalka iyo isu-tanaasulka ay lama huraan u yihiin hoggaanka Soomaaliya, isla markaana geeddi-socod siyaasadeed oo mideysan uu xoojinayo dowladnimada kana hortagayo kooxaha argagixisada.

Sidoo kale qoraalka safaaradda Mareykanka, ayaa lagu tilmaamay in ay muhiim tahay in xal ay gaaraan dhinacyada, isla markaana dalka uusan galin qalalaaso siyaasadeed iyo mid amni.

Ugu dambeyn Mareykanka, ayaa sheegay in uu boorrinayo dhinacyada Soomaalida inay gaaraan is-afgarad siyaasadeed.

Leave a Reply

Your email address will not be published.