Baydhabo ( Raxanreeb Online) Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa guddoomiyey Shirka Amniga Koonfur Galbeed, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta amniga, dardargelinta howl-gallada ka dhanka ah kooxaha nabad-diidka ah, iyo adkaynta wada-shaqeynta hay’adaha amniga.
Shirka waxaa ka qayb galay Wasiirro ka tirsan Dowlada Koonfur Galbeed,Maamulka Gobolka Baay kan Degmada Baydhabo iyo saraakiisha Hay’addah Amniga qeybahooda kala duwan.
Intii uu socday shirka, waxaa lagu lafaguray Qiimeynta guud ee xaaladda amni ee deegaannada Koonfur Galbeed, Xoojinta howl-gallada sifeynta iyo sugidda amniga, Adkaynta wada-shaqeynta ciidamada iyo shacabka.
Madaxweyne Laftagareen ayaa ku adkeeyey hay’adaha amniga in ay laba jibaaraan dadaallada lagu xaqiijinayo nabad waarta iyo xasillooni, isaga oo tilmaamay muhiimadda ay leedahay in si dhow loola shaqeeyo bulshadada si loo helo amni sugan.

Leave a Reply