Somaliland oo ka hadashay weerarka Iiraan

Hargeysa (Raxanreeb Online) Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland, ayaa lagu cambaareeyay weerarka ay Iiraan ku qaadday qaar ka mid ah dalalka Khaliijka.

“Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, waxa ay si adag u cambaaraynaysaa duqaymaha ay dawladda Iran ku bartilmaameedsatay labada dal ee Imaaraadka Carabta, Dawladda Qadar, Dawladda Kuwait, Boqortooyada Baxrayn, Boqortooyada Sucuudiga iyo Boqortooyada Hashmi Jordan” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland.


Sidoo kale qoraalka wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ayaa lagu sheegay in Somaliland ay si buuxda ula garab taagan tahay dalalka walaalaha ah, isla markaana ay kasoo horjeedo gardaradan khatarta ku ah nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.