Jaamacadda Carabta oo kulan degdeg ah ka yeelaneysa beegsiga Iiraan ee dalalka Khaliijka

Waxaa la filaya in kulan degdeg ah ay berri oo Axad ah yeeshaan wasiirrada arrimaha dibadda dalalka ku mideysan Ururka Jaamacadda Carabta, kaasi oo looga arrin sanayo colaada ka jirta bariga dhexe iyo beegsiga lagu hayo dalalka Khaliijka.

Kulanka ayaa la filaya in xubnaha ay diirada si gaar ah uga saraan beegsiga Iiraan ee dalalka Khaliijka, oo mudada todobaadka ee uu socdo dagaalka ay Iiraan beegsaneyso xarumaha muhiimka iyo ilaha dhaqaalaha dalalka Khaliijka.

Shirka ayaa la sheegay in qaab fogaan arag ah uu ku qabsoomi doono, maadama duulimaadyada dalalka Khaliijka ay hawada xiran tahay, isla markaana uu saameyn ku yeeshay dagaalka ka socda bariga dhexe ee u dhaxeeya Mareykanka, Israa’iil iyo dalka Iiraan.

Sidoo kale dalalka xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta ee soo jeedintoodu la dhageysan doono, waxaa kamid ah Soomaaliya oo horay u cambaareeysay beegsiga Iiraan ay ku heyso dalalka Khaliijka.

Kulanka ayaa la sheegay in ay codsadeen dalalka Kuwait, Qatar, Sacuudiga, Cumaan, Jordan iyo Masar, waxaana kulankan si adag looga hadli doonaa beegsiga xad-gudubka ee Iiraan ku heyso dalalka Khaliijka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.